President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo gaadhey Magaalada Ceerigaabo
Saturday, 23 January 2010 08:16

Hargeysa (UP) Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faaax ayaa gelinkii hore ee shalayto(Jimcihii) gaadhey magaalada Ceerigaabo. Xoghayaha guud ee UDUB  ayaa isagoo habeennimadii hore seexday magaalada

Yufle oo qiyaastii 30-km jahada galbeed ka xigta Ceerigaabo oo ka hor intii aanu soo gaadhin ay ugu sii diyaar garoobeen soodhowayntiisa xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha Udub ee gobolka sanaag Cali Ismaaciiil Barre iyo madax-dhaqameedyo  isugu jira Boqor, Suldaan , Cuqaal iyo guurti, waxa subaxnimadii Jimcaha xarunta UDUB ee magaalada Yufle horteeda xoghayahaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan halkaas, isagoo uga mahad celiyey soo dhowaynta iyo marti gelinta halkaas (Yufle) loogu sameeyey muddada ay joogeenIsla subaxnimadii Jimcaha maanta  ayaa magaalada Yufle waxa soo gaadhey gaadiidka yar yar oo tiro badan oo ka soo kicitimay dhinaca Ceerigaabo, kuwaas oo uu hoggaaminayey maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyadoo xoghayaha laga soo hoggaamiyey halkaas, idaasna uu ku soo gaadhey gudaha Ceerigaabo.  

Xoghayaha Udub ayaa kahor intii aanu tegin guriga uu degganaan doono mudda kooban ee uu Ceerigaabo ku sugan yahay wuxu dadweynaha soo dhoweeyey iyagoo tiro badnaa awgeed kala hadlay Xarunta UDUB gobolka Sanaag ee Ceerigaabo horteeda, waxana hadalladiisii ka mid ahaa

Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad magaaladan quruxda badan ee Ceerigaabo noogu samayseen, waana caaasimadda ugu horraysa ee gobollada bari ee socdaalka aan ku marayo ugu horaysa, annaguna xilligan uma soconno ololayn (Campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo weli komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan".

Waxa iyaguna halkaas hadallo kooban oo soo dhowaynta  xoghayaha UDUB ku saabsan ka jeediyey Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo guddoomiyaha UDUB ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre.

Last Updated on Saturday, 23 January 2010 10:28
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email