President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

War Murtiyeed Ka Soo Baxay Guddida Siyaasadda UDUB Ee Dalka Qatar, By Sanwaa Cumar Yare
Saturday, 23 January 2010 07:51

Sadex xisbi ayaynu kala nahay nin waliba kiisa ayuu Laabta ku sitaa aniguna kala mid ayaan ahay laakiin tuurtaan ku sitaa xisbigan aan ka tirsanay ee UDUB, kii ka cadhoonayana waxaan leeyay Adeer Gafuur cadho

nin ku yaaluu dhibaa.Murtida iyo xigmada warmurtiyeedkani waa mid ku salaysan qiimayn aanu ka gudi ahaan ku samaynay Doodihii foolka foolka ahaa ee masuuliyiinta xukumada iyo xisbiga UDUB ay la galeen masuuliyiin loo tuhmayay siyaasad xoogleh oo ka soo jeeday mucaaridka.


hadaan guda galo, barigii dhawayd ee Siciid Sulub tagay Uk ayaa lays hor fadhiisiiyay ragii hormuudka siyaasada u qaabilsanaa mucaaridka waydin arkayseen doodii sidii Wasiir Siciid Sulub uu faashka xigmadaysan ula dhacay nimankii dalka dhan ku tilmaamay in la cunay oo ay shacbgii gaajo u madheen.  Reer Qatar ahaan iyo Gudi Ahaanba waxaanu aad ugu bognay su'aal uu Wasiirku waydiiyay mucaaridka sidana wuu u dhigay: waar bal nimankiinan raba inaydin dalkaa xukuntaan, wali toban dollar ($10) oo qaadhanka Biriijka la dhisayo ah ma bixiseen waxay ku jawaabeen AAMUSNAAN taasoo ka turjumaysa maya runtii BAYSTAYN MAAD TIDHAAHDID! Intaas waxa dheerayd Wasiirka oo soo bandhigay Wax Qabadkii Wasaarada Hawlaa Guud taasoo noqotay ugu yaraan 27 mashruuc oo fulay intii uu xilka hayay intaas aan ku dhaafo intii xukumada. Iminkana ta xisbiyada: Salaan Carrabey ayaa yidhi (XUBIN RAG ISKU WAAJAHAY HADAY XAYGA KA CADAATO, AFKU WUXUU LA XOOG YAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARA), waxa jirtay in Xoghayaa Guud ee UDUB iyo mucaaridka oo ay matalayeen Dr.Gaboose oo Kulmiye ah iyo Nin UCID ahaa inuu HCTV u qabtay dood kulul oo lays hor fadhiistay,  Dr. Gaboose oo maalin dhawayd ku balan qaaday inay najiidhayaan (UDUB) sidaanu qudhaanjo nahay, waa arkayseen halkuu la maray Xoghayaha Guud ee UDUB Jaamac Yaasin waxay ahayd dood ka dhigan shaybaadh siyaasadeed iyo bal intay taagtoodu le'egtahay nimanka hanjabayay ee dhinaca mucaaridka taasoo Xoghaye Jaamac uu gunta soo taabtay ogaadayna inay ahayd Hanjabaadii hore oo kale waana guul noosoo hoyatay waxaanaanu ugu mahadnaqaynaa Xoghaye Jaamac Yaasin oo qaawiyay taagtoodii.


Guusha u qaadanwaaga ku noqotay mucaaridkii ayaa ah Waftiga uu horkacaayo halyayga Ololaha u xilsaaran UDUB Mudane Cismaan Claahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo muraayada TV-yada somaliland soo dhigay kalsoonida iyo jacaylka reer Awdal ay u hayaan xisbiga UDUB. Waxaan ku amaanayaa walaalkay Cismaan Hindi siduu u baabi'inayo raadka siyaasada khiyaaliga ah ee mucaaridka. Waftiga UDUB waxaan idin leeyay GOBANIMAA U DHALATEEN, GAASHAAN BIRAAD TIIN, GAADHKIINA DIBADIYO GARABKIINI BAAN AHAY, HA GILGILAN CISMAANOOW GUUSHII WAYNU HAYNAA. Reer Awdal oo dhan waxaan iyagana u tabinayaa: Dad ilbax ah oo maskax furan ayaa tihiin waana mid aan idiin hayno xisbi ahaan iyo xukumad ahaanba, milgaha iyo sharafta aydin nagu leedihiina marnaba ma hilmaami doono mana dhayalsan doono wada shaqayn wacan walaala yaal.
 
 
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
 
SANWAA CUMAR YARE
 
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Saturday, 23 January 2010 08:15
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email