President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweynaha oo Wasiiru Dawle Cusub u Magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland, Tacsina U Diray... |
| Tuesday, 19 January 2010 15:59 |
Hargeysa (UP) Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada JSL, oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge aya waxa uu u qornaa sidan tan “Madaxweynaha JSL.isaga ootixgalinaaya qodobka 90'naad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo kaalinta wax ku oolka ah ee qaranka iyo Dalkaba ay ugu jirto Wasaarada Arimaha Dibadu, waxa uu u Magacaabay (Mudane C/raxmaan Cismaan Aaden) in uu noqdo Wasiirudawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada, isaga oo bedeli doona jagadii uu ka geeriyooday Marxuumkii (siciid Maxamed Nuur)Ilahay ha u Naxariistee isagu ahaan jiray Wasiirudawlaha Arimaha Dibada.Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaaya hufnaanta iyo kartida shaqo ee uu leeyahay Mudane (C/raxmaan Cismaan Aaden) waxa uu ku Amray laga bilaabo maanta in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego Xilka Cusub ee loo magacaabay”.Dhinaca kale, Dhacdadii Xalay ka dhacday Wajaale oo Madaxweynuha JSL. uu ka tacsiyadaynaayo qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen laba Qof ee halkaas ku dhintay.Xalayto wakhti dambe oo saqdii dhexe ah Cidamada Booliiska ah ee qaabilsan nabad gelyada Degmada Wajaale ayaa loo soo sheegay baabuur kaligii meel taagan kadib markii Ciidamada boolisku goobtaa tageen si ay u soo hubiyaan baabuurkaasi iyo cida la socota, dadkii baabuurka watay waxay bilaabeen inay baabuurkii dhaqaajiyaan.Waxa dabadeedna Ciidamada Booliisku baabuurkaa ku fureen Tacshiirad halkaas oo ay ku dhinteen gabadh iyo Wiil ka mid ahaa dadkii baabuurka watay.Madaxweynaha JSL. isagoo dhacdadaa bilaysku ay labada qof kama ugu dileen ka xun, waxa uu tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadaas qof isagoo iyana u rajaynaaya in uu Ilaahay naxaariis Jano ka waraabiyo |
| Last Updated on Tuesday, 19 January 2010 17:50 |

