President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Taliska Guud Ee Booliiska Iyo Madbacada Qaranka |
| Tuesday, 19 January 2010 06:04 |
|
Hargeysa(UP)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay u qorsheysan tahay in la xoojiyo amaanka dalka sanadkan 2010-ka,waxaanu ciidanka booliska
ugu baaqay in ay laban-laabaan hawshooda shaqo ee la xidhiidha sugidda amniga.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu shalay kormeer ku marayay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, halkaasi oo ay ku qaabileen taliyaha iyo taliye ku xigeenka booliska.
“Kolay 2010-kan waxaa awooda la saarayaa amaanka weeye oo wixii idinka dhiman Inshallaahu waanu ku dedaalaynaa wax walba ka hor, Anaga waxa na xanuujinaysa sarkaalkii amniga ayaa la dilay dee waa arrin na xanuujinaysa oo marka sarkaalka dalka ilaalin lahaa isagii la dilo ee uu bartilmaameed noqdo waa masiibo, qofku mar ayuu dhimanayaa laakiin cidii dishay lama hayo taasi ma aha arrin la qaadan karo. Sanadkan 2010 waxa awooda la saarayaa nabad gelyada,”ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu si adag ula dardaarmay ciidanka booliska waxaanu yidhi “Idinkana (Booliska) waxa la idinka rabaa istiraatajiyad iyo qorshe qaabkii degmo, gobol illaa heer qaran isku kiin xidhi lahaa, maanta baahidu way ka badan tahay intii hore waa la ina soo galay qaabkii aynu uga guulaysan lahayn ayaa la rabaa taasna idinka ayaa la idinka rabaa. Waanu soo xaam xaamaynaynaa.
Waad shaqaynaysaan laakiin waa la inagu dhex jiraa markaa haybadii booliskiina ku soo celiya. Waa mamnuuc nin dirays xidhani inuu mijin laalaadsado.Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa isaguna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland warbixin ka siiyay xaalada nabad gelyada dalka iyo ciidanka Booliskaba.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa maanta kormeer ku soo maray xarunta Madbacada Qaranka ee Magaalada Hargeysa.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa xarunta madbacada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo ah sii hayaha Maareeyaha Madbacada Qaranka JSL. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , wuxuu ku soo wareegay dhamaan qaybaha kala duwan iyo madbacadda. |
| Last Updated on Tuesday, 19 January 2010 06:11 |

