Doorashooyinka
Mudadii Xisbigu talada hayay waxaa ay xukuumadu hir galisay doorashooyinkii, Dawladaha Hoose, Baarlamanka iyo Madaxtooyada.
Diwan gelinta Bulshada
Xukuumadu waxay si hagar la'aan ah uga hir galisay dhamaan 12 ka gobolka ee dalku ka kooban yahay diiwaan gelintii codbixiyayaasha
Fidinta Maamulka
Xukuumadu waxay ku guulaysatay in ay sugto dhamaan xuduudaha JSL
Waxbarashada
Xukuumadu waxay iyadoo si harag la;aan ah u dhiiri galinaysa kor u qaaday waxbarashada sare ee dalka & iyadoo maanta ay dalka ka jiraan 7 jaamacadadood oo tayo leh, waxa iyana korodh laxaad leh ku yimid tirada qalin jabiyayaasha waxbarashada hoose ilaa dugsiga sare.
Aqoonsiga
Xukuumadu waxay dadaal iyo awood dheeraad ah saartay Baadi-doonista iyo Raadinta aqoonsiga Qarannimo oo buuxa taasi oo maraysa halkii u dambaysay rajo fiicana aynu ku qabno in aynu aqoonsi fiican heli doono.
Nabad Galyadda
waxa aanu dhamaystirnay Siyaasadda Nabadgelyada ee Qaranka oo aanu mudnaanta siinay dhaqan gelinta :
-.diyaarinta iyo ansixinta Xeerka La-dagaalanka Argagixisada;
-.Tayaynta & qalabaynta ciidamada qalabka sida;
-.Dhismaha Ciidamada Nabadgelyada, sida Ciidamada Xeebaha; Tababarka
& Tayeynta Hawlgal-kooda;
-.La dagaalanka falal-ka Argagaxa leh iyo Argagixisada.